maxaad ka taqaan websidekan c/fataax isbarta bahda wargayska waad mahadsantihiin
Ciyaaryahandii ugu qatarsanaa aduunka oo kulmay
Maradona oo Pele ku casuumay barnaamijkiisa ugu horeeyey
16.08.05
Bahda isboortiga aduunka waxa ay inta badan ku kala aragti duwan yihiin qofka ah
ciyaaryahanka ugu qatarsanaa kubada cagta ee aduunka soo mara waxaase la isku raacsanyahay in Pele ama Maradona midkood yahay.
Labadaan halyeey ayaa dhinocooda isku qilaafsan kan ah ciyaaryahanka
ugu qatarsan aduunka waxeyse hada u muuqataa in wax badan ay ka heshiiyeen.
Xalay ayuu markii ugu horeysey Maradona qabtey barnaamij talk-show
oo taxane noqondoono lagana siidaayey TV Argentina laga leeyahay oo la yiraahdo Canal 13.sida ay warisey wakaalada wararka
AP.
Maradona oo barnaamijkaan daadihin doono ayuu furitaankiisa ku casuumay dad badan oo
caan ah isuguna jira Ciyaartooy, Fanaaniin, Jilayaal hase yeeshee Pele ayaa ahaa shakhsiga ugu caansan dadka la casuumay.

Pele iyo Maradona oo u raaxeynaayo kasoo qeybgalayaashii
Furitaankii barnaamijkaan talk-showga ah laguna magacaabo habeenkii no.10ka waxa uu noqdey habeen taariikhi
ah markii ay ku kulmeen labadii ciyaaryahan ee aduunka ugu wanaagsanaa iyagoo markii ugu horeysey si wada jir ah ugu sheekeeytey
ciyaarta kubada cagta lagana sii daayey qalabka warbaahinta.
Maradona iyo Pele oo kala gudoomay maaliyadahooda no.10ka
Intii uu socdey barnaamijka ayuu Pele tusey kasoo qeyb galayaashii in noloshiisa
aysan aheyn kubada cagta oo keliya markii uu Gitaar qaatey uuna ku luuqeeyey hees uu isaga sameeyey oo aad loo jecleystey,
waxyaabihii barnaamijka lagu soo qaadey waxaa ka mid ahaa qiyaanooyinkii ay labada halyey sameeyeen intii ay kubada cagta
dheelayeen waxey kaloo ka sheekeeyteen siyaasada aduunka.
Gababadii barnaamijka waxey is godoonsiiyeen maaliyadihii ay labada
ciyaaryahan u xiran jireen qaramada dalalkooda.
Maradona oo barnaamijkiisii ugu horeeyey ka dib saxaafada ay su`aalo
weydiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa su`aalihii la weydiiyey YAA LABADIINA AH CIYAARYAHANKA UGU WANAAGSAN EE ADUUNKA SOO MARA?
- Hooyadey waxey aaminsantahay inaan aniga ahay, Pele hooyadiisna waxey aaminsantahay
inuu isaga yahay ayuu ku jawaabay Maradona taasoo ka dhigeysa jawaabta su`aashaas mid weli furan.
waad nala sooxidhiidhkartaa hadaad wax su,aala ka qabto byee dawade