Ku soo Dhawow Website kan Cabdifataax

                                     
   
Home | Hargeisa pic | Contact me | Heeso | Boga Jacaylka | dhacdooyin | indhaha uraxee | Hargeisa | hablaha iyo wiilalka | Chat | Bogga Diinta | Webmaster | Ciyaaraha
   
                                     
   
 

Diinta Islaamka Dhageyso ama akhriso

 
   
 

arrow152kd.gifsalam2qp.gifarrow15a3tg.gif 
 

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Waxaa qoraaladda boggan inoo soo tebin doona walaal keen Sh. C/risaaq Macalin Abshir (Musanif) asago inoo qaadaa dhigi doona Taariikh Islaami ah oo xiriira Asbuuc kasta insha alaah, Allah haka abaal mariyee. Waxii talo iyo su'aalo ahba waxaad kusoo hagaajinkartaan emailka qoraaga ee kor ku qoran"

Hordhac iyo Qiimaha Taariikhda

Mahad idilkeed waxay u sugan tahay allaha wayn ee kaligii xaqqa u leh amaanta wanaagsan gabi ahaanteed isagaa kaligii ayaa xaqq u leh cibaadada, mulkiyaddana isagaa leh ayadoon cidina la wadaagin, naxariis iyo nabadgalyo tan ugu sarreysana alla ha yeelo nabigiisa (scw) korkiisa. Waxaanan allah waydiisanayaa inuu noogu kaalmeeyo wax walba oo aan u samaynayno raalli-galintiisa (sw).

Intaa kadib, sida la ogsoon yahay qof wax akhriya kama qarsoona qaymaha ay taariikh-du ugu fadhido horukaca waxqabadka aadanaha, iyo dawr-ka ay ka qaadato ka-talinta, agaasimidda iyo xadaynta mustaqbalka jiilasha dadka ee isdaba jooga.

Hadaba, inay taariikh-du tahay tajaarubtii iyo waaya-aragnimadii dadka, ee hore u dhacday darteed oo la arkey sidii ay ku dhamaatey ee natiijadu noqotey, inay tahay mahadhadii  aadanuhu soo maray geeddi socodkiisa nolosha iyo isbabadalkii maalmaha dawlado iyo boqortooyooyin waawayn dhismahoodii ama siday u dumeen colaado iyo dagaallo aloosmey eelkay reebeen iyo siday ku dameen abaaro kulul iyo sanado barwaaqo ah iyo siday ku dambeeyeen aqallo qurxoon, qasriyo iyo qalcado la adkeeyey ciddii udub-mudey amase ciddii maamushey nabiyo loo waxyooday hogaamiyeyaal caan-baxay rag magac dheer faylasofyo khubaro fakarka iyo noloshaba raad aan harin ku reebay siday nolosha u xadeeyeen amase u fahmeen aragtiyo iyo mad-habado asaasmey amase shaac-baxay magaalooyin horumarey aaladihii dhismahooda saacidey ama burburkooda sabab u ahaa ummado kuwa kale adoonsadey ummado waa jirey kadibna dabarbeeley qudradii isu sakhirtey xadaarado iyo ilbaxnimooyin waa jirey ilaha awooddoodu ku tiirsanayd iyo astaamihii hoos u dhocooda daadihiyey waxaan oo dhan oo hayaankii aadanaha iyo isbadalkii ayaamaha ah kulligood waa un taariikh.

Sidaa awageed waxaa ku guda jira darsi laga qiyaasqaato oo aan meel kale laga heli Karin. Xigmadda halqabsiga ah ee soomaaliyeed waxay oraneysaa “dhagtaa kaa facdheer ishaase waa kula fil” illayn dhagtaadu waxay maqashaa mahadhooyinkii qarniyada dhexdooda hore u dhacay ishaaduse intaad noolayd umbey wax aragtey.

Ahmiyadda ay taariikh-du ku fadhido li’ajligeed qofka yaqaan waa qofka kaliya ee ka baaraandagi kara masiirka lagama fursadaha ah ee bulshooyinka, hadaysan taasi jirin maxaa waaya arag-nimadu tahay taladiisase maxaa loo qadariyaa? Tani waa halka laga yiraahdo ninkii taariikh-da bartey cimrigiisa wuxuu ku kordhiyey cimriyaal badan illayn taariikh-da uu bartey darteed waa nin gu’giisa garaadkiisu ka wayn yahay.

Waxaa hadaba jira faa’iidooyn aan lasoo koobi Karin oo ku diimoon barashada taariikh-da inkastoo aanan wada taabanayn waxaan farta ku fiiqayaa kuwa ugu waawayn qaarkod.

  1.     ka cibra qaadasho ka qiyaas qaadasho, inta badan dhacdooyinka hareeraheenna ka socdaa ma cusba amase ugub ma aha ee hore ayey u dheceen amase wax u eg sidaa darteed arrimo badan oo murugsan xal u heliddooda waxaa qayb wayn ka ah in la barbar dhigo sidii xal loogu helay dhacdooyin lamida oo hore u dhacay, taasina waa tan alle wayne (sw) quraankiisa ku tilmaamey marka uu leeyahay “ “Waxaa wallee ku sugan qisooyinkooda wax lagu cibro qaato”. 
     
  2.  In badan oo waxyaalaha inagu hareeraysan ah aragtiyaha iyo afkaaraha isfeer socda khilaafaadka iyo isbahaysiyada dadka ka dhex jira waxay soo bilowdeen waqtiyo hore waxaana  jira ujeedooyin iyo dano loo asaasey ama sababo keenay markii hore marwalbana kama lug marna sababahaas, ujeedooyinkaas iyo danahaas loo asaasey, hadaba, hadduusan qofku lasocon sida waxaani u bilowdeen ama sababka keenay ama ujeedada laga leeyhay way ku adag tahay inuu fahmo ama la tacaamulo taariikh yahankuse waa qofka garanaya sida waxaani usoo bilowdeen oo garan kara siduu ula falgali lahaa.
     
  3.  In la iska jiro lagana feejignaado khaladkii dad hore ku dhacay, -si cad saan ugu fakaro- mustaqbalka waxa imaan doona alle cid aan ahayni ma oga dadkuse Markey fiiriyaan sida arrimuhu u socdaan waxay saadaaliyaan  sida laga yaabo in mustaqbalku u ekaado islamarkaana odortaasi inay saadaalintii ku timaado waa la arkaa inaysan ku imaanna waa suurowdaa, laakiinse waxaa natiijada la ogaan karaa oo kaliya markii mustaqbalkaas la gaaro. Hadaba, taariikh-yahanku wuxuu ka faa’iidaysanayaa khaladaadkii hore u dhacay oo natiijadoodii gadaal laga arkey islamarkaana waa ka feejignaanayaa.
     

  4.  In la ilaaliyo lana dhawro kayd cilmiyeedka ummadaha amase oollimaadka bulshada, taariikh-da waxaa ku jira shucuubta kayd cilmiyeedkeedii dhinaca caqiidada iyo aaminsanaanta dhinaca luqadda, dhaqanka, xigmadaha maahmaahyada, gabayada iyo sheekooyinka ay ku guntameen ee ku yimaadeen dhinaca ogaanshaha jiritaankooda, cadowgooda hore, dadkooda magaca waynaa, guulaha ay hore usoo hooyeen, hadafyada ay higsanayeen iyo dhamaan khusuusiyaadka ummad walba.
     

  5.  Toosinta iyo agaasimidda ujeedooyinka ummadda ee mustaqbalka ah, markii la ogaado dhacdooyinka hore ayaa la toosin karaa ama la agaasimi karaa bulshada tallaabooyinka la gudboon inay mustaqbalka hore u qaado.

Faa’iidooyinka taariikh-da ku jiraa kuma koobna intaan aan sheegney laakiin waa daraf yar oo kamida saxiifad dacaldheer oo ah faa’iidooyinka ku jira ogaanshaha taariikh-da.

Arrimahaan aan sheegney waa faa’iidooyinka guud ahaan taariikh-da ku jira laakiin darsigaan waxaan kaga hadli doonaa insha allah taariikh-da islamka laga bilaabo siirada Nabiga (csw) taariikh-daan oo runtii ah qayb muhiim ah oo ka mida damiirka  qofka musimka ah ayna ku guda jirto quwadiisa iyo ruuxdiisa macnawiga ah.

Taariikh-daan Islamku waa gabal wayn oo kamida taariikh-da aduunka oo dhan amase waa taariikh-da ugu baaxad wayn ee dunidu gacanta ku hayso, inay tahay afar iyo toban qarni oo xariira wixii dhacay oo si faahfaahsan loo qorey loo hufay loona kaydiyey gaar ahaan dunida muslimka oo lagu tilmaami karo wadnaha dunida inteeda kale, marka la fiiriyo halka ay dunida kaga taal, hasa ahaatee nasiib darro taariikh-da Islamku waa qarsoon tahay marka laga reebo dadka ku takhasusey gaar ahaan waxay si wayn uga qarsoon tahay bulsha waynta muslimka ah iyo dhalinteeda.

Sababaha keenay qarsoonaantaan dabcan waa sababo badan iskana cadcad waxaana ugu wayn in ummadda Islamka ahi ay ku dhacdey gacan cadow gumeyste ah oo wiiqay lixaadkeeda ujeedooyinkiisana ay kamid tahay in ummadaan la ilowsiiyo dhamaan casrigeeda hore iyo xadaaradeedii qaangaartey si ay waxa soo socda uga dhunto sidoo kale loogu faafiyo dhaqamo iyo figradaha lagu majara-habaabinayo.

Waxaa kaloo kamida in dhamaan manaahijta taariikh-da ay dajiyeen afraad iyo ururro shisheeye ah kuwaasoo runtii dagaal aan waxba iskula-harin ku qaaday taariikh-da Islamka si wayna uga fogeeyey gacanta qofka muslimka ah islamarkaana aad loo buunbuuniyey taariikho kale iyo waxyaalo aan qusayn ama aan ahmiyad ugu fadhiyin mararka qaarkood in been cad la maleego si bohoshii aad ku dhacday ama gacantii ku goysey laguugu muuujiyo sababkii guusha kuu horseedey.

Sidoo kale in la adeegsado kooxda ardada ah ee galbeedka ama bariga ka timid ee loo yaqaan cilmaaniyiinta kooxdaan oo runtii si wayn ugu shaqeeya shirqoolada shisheeyuhu la maaggan yahay ummadda muslimka ah, islamarkaana Islamka iyo taariikh-diisa iyo dadka haystaba ka neceb shisheeyaha laf ahaantiisa cuqdad xunna u qaba Islamka taasoo ku keentey inay masaxaan dhamaan taariikh-daan sidoo kale suurad xumeeyaan shakhsiyaadka Islamka ee waawayn guulaha hore loo gaarey iyo dhamaan taariikh-da siyaasad ahaaneed ee Islamka kooxdaan oo nasiib darrro wixii ay qoreen kaliya lagu qaatey manaahijta tacliinta ee laga hirgaliyey dhamaan dunida muslimka.

Waxaan hadaba u dooraney sababahaan li’adligood iyo ahmiyadda wayn ee taariikh-da Islamka sidoo kale inaan uga sheekayno si dulmar ah oo aan laguna daaleyn lana saluugayn hadduu alla idmo.

Laakiin intaannaan bilaabin waxaan baraarujinayaa arrin muhiim ah tasoo ah inaan ogaano in ummaddaan soomaaliyeed ee afkaan ku hadasha ay tahay qayb kamida jirka wayn Islamka aysan marnana ka go’I karin marka taariikh-daan waa toodii waxaa intaa wehiliya in taariikh-daani marar badan ay soomaalida si khaas ah u taabanayso marka laga sheekaynayo dhacdooyinka muslimiinta soo mareyna soomaalidu waa kamid ummadda Islamka ahi dhacdooyinkaan taariikh-da Islamka waa wadaagtaa, muslimiintuna run ahaantii waa hal ummada haba kala duwanaato afafkooda iyo midabadoodu ama dagaanadooda iyo ooddoodu ha kala fogaadaane.

Waxaan kale oo baraarujinayaa, inaan taariikh-daan uga sheekayn doono -insha allahu- hab u kala saarsaaran casri walba khilaafada wayn ee muslinka ah ee dhisnayd ayadoo aan taaban doonno dawladaha yar yar ee ka feer dhismey ama dhamaan dhacdooyinka ku lug xiran anagoo ka bilaabi doonna siirada nabiga (scw) kuna xijin doonna dawladda khilaafada raashidiinta kadibna dawladda Umawiyiinta sidaasoo kale insha allah, waxaana suurowda inaan isku feer wadno taariikh-da labo dawladood sida siirada Nabiga (scw) iyo taariikh-da dawlada khilaafada raashidiinta.

Ugu dambeyntii waxaan allah (sw) waydiisanayaa inuu iigu kaalmeeyo camalkaan wayn iina fudududeeyo isagaa kaligii awoodee (subxaanah) amaana ahaanna waxaan baraarujinayaa in qoraalkaani ku yimid dalab ay iisoo gudbiyeen walaalaha mu’sasada abuubakar iyo masjidka ashaafici..

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Qaybta 2aad

Muuqaal Guud oo ku saabsan Carabta

Nabiga (scw) Kahor. 

Taariikh-yahannadu sida ay isku waafaqsan yihiin qarniga lixaad iyo kan todobaad ee Ciise dabadii waxay ahaayeen quruunta aadanuhu soo maray kuwii ugu xumaa ee garaadka iyo garashada dadku ugu hoosaysey(1). Ma jirin wax horumar ah oo laga sameeyay xagga farsamada iyo wax soosaarka, mana jirin nolol iyo dhaqaale fiican, mana jirin wax maamul ah caddaalad ku dhisan mana jirin dulmiga iyo liidnimada ummadda dhinac walba kaga habsatay meel loola ciirsado.

Dadku waxay u kala qaybsanaayeen madax ama boqorro kalli-taliyaal ah, wax distuur ah oo qaban karana uusan jirin dadka kasareeya qaarkood laga aaminsan yahay in dhiig ilaah jirkooda ku soconayo iyo dad wayne dulmiga iyo xaqdarradu dhinac walba kaga habsatey cid ay ula ciirsadaan ama ula cararaanna aysan jirin, lamida beer wax soo saarta waxa ay soo saartana usoo gudbisa madaxda oo markaa ay u adeegsadaan kibirkooda iyo qooqooda.

Hadaba si aan u fahano Nabiga (scw) kahor xaaladda jirtay, waxaan u baahanay inaan dulmar ku samayno muuqaalka guud ee nolosha sida: Siyaasadda, Diinta, iyo Akhlaaq-da Carabta iyo ummadaha kale ee ku hareeraysan intaba.

Xukunka iyo Dawlad-nimada

Maamullada ka jiray dhulka carabtu markii Nabiga (scw) lasoo diray waxay ahaayeen laba nooc, nooc u dhisan hab dawladeed oo ay ka taliyaan boqorro taaj madaxa loo saaro iyo nooc ah kaaba-qabiillada iyo madaxda lafaha usrooyinka oo haysta dhamaan waxa awood ah ee boqorku haysto qabiilkooda dhexdiisa.

Qaybta hore ee u dhisan sida dawladaha waxaa ka dhisnaa dhulalka carabta afar maamul oo ka kala dhisnaa Yaman, Ceraaq (iraq), Shaam iyo Xijaaz (sucuudiga), taariikh-dooda oo koobana waa sidaan.

Yaman

Shacabkii ugu horeeyay ee carbeed ee lagu aqoonsaday dhulka yaman waxaa la oran qoomka reer Saba, waxaana laga helay taariikh-dooda oo faahfaahsan looxaan laga soo saaray godad la faagay sida muuqatana waxay ilbaxnimadoodu horu-kac wayn samaysay oo awoodoodu waynaatay oo dhulal badan isku kala bixiyeen muddo gaaraysa 11-qarni oo ka horaysa dhalashada Ciise, waxaan hadaba waqtigooda ku kala qaybin karnaa afar qaybood.


Dhismayaashii Ma'rib

Biyo-xireenkii Ma'rib:
Joog: 16 mitir
Ballac: 60 mitir
Dherer: 620 mitir
Waxa uu biyaxireenkaasi waraabin jirey dhul baaxadiisu dhan tahay 9,600 hectares [Halkii Hecter waa 10,000 miter oo laba jibbaaran). Waxaa biyo xireenka burburiyey duufaankii Arim.
Akhri suurada Saba: Aayadaha 15-17
ISHA:::
www.miraclesofthequran.com

1-     Qarniyadii gudbay ka hor sanadka 650-ka ee  dhalashada Ciise horteed, waqtigaas boqorradooda waxaa lagu magacaabi jiray Makrabu-Saba waxaana magaalada madax u ahayd Sarwaax oo hadda burburkeedu yaallo meel maalin looga socdo dhinaca galbeed ee Ma’rab. Waqtigaas waxaa la sheegay inay reer Saba awood wayn yeesheen oo aad isu ballaariyeen ilaa ay gaareen heer ay ummaddo gumaystaan gudaha dhulalka Carabta iyo meelo ka baxsan intaba waqtigoodii ayuuna bilowday dhismaha biya-xireenka wayn ee loo yaqaan biya-xireenka Ma’rab oo magac wayn ku leh taariikh-da yamaneed.

2-     Laga bilaabo sanadka 650-ka kahor dhalashada Ciise ilaa laga soo gaaro sanadka 115-ka kahor dhalashada Ciise, mudadaan waxay ka tageen magacii Makrabu-Saba waxaana loo aqoonsaday madaxwaynaha Maliku-Saba, waxayna magaala madax ka dhigteen Ma’rab waxaana burburkeedu yaallaa meel lixdan mayl u jirta Sanca dhinaceeda bari.

3-     Muddada laga bilaabo sanadka 115-kii kahor dhalashada ciise ilaa laga soo gaaro 300-kii Ciise dabadii, muddadaas waxaa xukunkii reer Saba qabsaday qabiilada ximyar oo dumiyey waxayna caasimad ka dhigteen magaalada Ridaan waxaana ku bilowday hoos u dhac iyo burbur dawlado waawayn oo cariiryey iyo ganacsigoodii oo fashilmay darteed.

4-     Muddada ka dambaysay sanadkii 300 ee Ciise dabadii ilaa Islaamku galay Yaman, Muddadaan waxaa yaman ka dhacay xasilooni darro iyo inqilaabyo hubaysan iyo dagaallo qabiil oo dhaawacay awoodoodii ilaa ay taasi sababtay inay madax bannaani doodii waayaan ilaa Romaniyiintu soo galeen dhulka yaman kadibna sanadka 340-ka amxaaradu qabsatay dhulka Yaman ayagoo taageero kahaysta Romanka ayna sii xukumayeen ilaa sanadkii 378-dii Ciise dabadii, sanadkaas ayaana Yaman iska cayriyeen Amxaarada laakiin waxaa dhacay in biya-xireenkii waynaa ee Ma’rab uu daldalooshamay kadibna uu dhacay daadka wayn ee qur’aanku sheegay wuxuuna ahaa dhacdo wayn oo keentay in magaalooyinkii isu badaleen lama dagaan oo shucuubtii kala carartay. 

Sanadkii 523-dii ayuuna yuusuf du-nawaas Al-yahuudi qaaday duulaan ballaaran oo ka dhan ah dadka kiristaanka ah oo uu isku dayay inuu diintooda khasab kaga saaro oo yuhuudeeyo ayna diideen ilaa uu qoday godad dab lagu shiday oo dadka uu holacaas ku tuurayay mana uusan kala saarayn caruur, dumar iyo rag toona dadka uu dilayna waxaa lagu tilmaamay labaatan ilaa afartan kun, arrintaanina waxay sababtay inay ka caraysiiso Imbiraadoorka(2) wayn ee Room ilaa uu ku guubaabiyay Amxaarada oo u diyaariyay doonyaha dagaalka markaa Amxaaradu ay qabsadeen Yaman markii labaad sanadka 525 ayadoo uu hogaaminayo Aryaad kadibna waxaa gaadmo ku dilay Abraha oo la wareegay hogaankii Amxaarada Yaman waana ninkii intuu dhisay kaniisad wayn isku dayay inuu Kacbada dumiyo dadkana uu ku khasbo inay kaniisadiisa usoo xajiyaan sida inoo imaan doonta -Insha Allah- kadibna yamaniyiintu waxay kaalmo ka raadsadeen dawladda Furus (Persia) ilaa ay Amxaarada ka saareen dhulkooda sanadkii 575-tii laakiin waxay durba noqdeen mustacmarad hoostimaada Furus oo Kisraa(3) uu u soo diro hadba nin xukuma oo reer Furus ah sidaasayna ahaayeen ilaa Islaamku galay Yaman oo maamulihii ugu dambeeyay oo la oran jiray Baadaan uu islaamay sanadkii 638-dii. 

Xiira (iraq)

Waxaa xukumi jiray ceraaq dawladda Furus lagasoo bilaabo markii uu dawladda ka dhigay reer Furus ninka loo yaqaan Qayruushka wayn waqtigaas oo ku aaddan sanadka 557 kahor dhalashada Ciise, mana jirin cid awooda inay la dagaalanto Furus ilaa uu kusoo duulay ninka loo yaqaan Al-iskandar Al-maqduuni oo markaa burburiyay Furus ayna u qaybsameen boqorro xunxuna waqtigaas ayaa qabiilooyin carbeed dageen ceraaq iyo jaziiradda furaat wayna sii joogeen ilaa markale reer Furus awoodoodii soo laabatay oo yimid Kisraa Ardashiir oo uu asaasay dawladda loo yaqaan Dawlatu-Saasaaniyah.

Markaas ayay ka dhisteen Ceraaq boqortooyo yar oo carbeed oo ayaga hoos timaada oo carabta reer miyiga ah u edbisa owood kalana aan lahayn sidoo kale inuu ka urursado ciidan uu kahorgeeyo Roomaaniyiinta oo loollan wayni ka dhexeeyay waligood.

Mararka qaarkoodna Kisraa ayaa Ceraaq usoo diri jiray nin reer Furus ah oo u maamula markii carabka uu fahmi waayo, sidaas ayay Ceraaq ku jirtay ilaa uu Islaamku qabsaday oo reer Furus uu ka saaray ciidan uu hogaaminayo khaalid Ibn waliid. 

Shaam

Shaam waa dhulka ay ku yaallaan wadamada maanta loo yaqaan suuriya, lubnaan, urdun iyo falastiin, hadaba waqtigii Carabtu ay Yaman ka qaxday daadkii kadib sidaan soo sheegnay ayaa dhulkaan waxaa soo galay qabiilooyin carbeed oo ka tirsan qabiilada Qudaaca isla-markaana ay dageen dhulkaan shaam kadibna Roomaaniyiinta ayaa isku duway oo waxay u dhiseen boqortooyo ay ku xukumaan carabta reer miyiga ah sidoo kale ay ka horgeeyaan dawlada reer Furus markay ciidan u baahdaan.

Waxaa hadaba dhulkaan Romanka u xukumi jiray qoys carbeed oo loo yaqaan Dajaacimah ilaa ay ka yimaadeen niman loo yaqaan Aala-qassaan oo ay dumiyeen boqortooyadii Dajaacimada waqtigoodana waxaa lagu qiyaasay bilowgii qarniga labaad ee ciise dabadi ilaa dhamaadkiisii kadibna Qaasaasinada ayaa xukumayay ilaa Islaamku ka galay dhulkaan oo muslimiintu dumiyeen dawladaan boqorradooda kii ugu dambeeyana uu Islaamka u hogaansamey khilaafadii Cumar. 

Maamulka Xijaaz

Sidaan soo sheegnay makko waxaa xukumayay Ismaaciil iyo wiilashiisa ilaa ay kala wareegeen qabiilka Jurham oo ay Makko xukumayeen muddo dhan 21-qarni kadibna ay kala wareegeen qabiilka kale ee Khuzaaca ayaguna ay xukumayeen sadex qarni ilaa uu soo baxay ninka loo yaqaan Qusayi Ibn Kilaab oo ah awowga shanaad ee Nabiga (csw) markaa uu ku qabsaday Khuzaaca xukumka Makko ilaa uu ka qabsaday kadib markuu Khuzaaca dagaal la galay.

Hadaba markuu Qussayi la wareegay hogaanka Makko oo ahayd sanadkii 440-kii Ciise dabadi ayuu maamulka Makko si buuxda u galay gacanta Quraysh gaar ahaana Qussayi, markuu qabsaday wuxuu Quraysh u qaybiyay maamulka qabiil walba qaybtiisa wuuna badalay dhamaan wixii hore loo yaqaanay waxaan ka ahayn wixii uu diin u arko aan la badali karin kadibna wuxuu dhisay guriga loo yaqaan Daaru-nnadwa oo ka dhigan sida baarlamaan oo kale talada arrimaha waawayn lagu gooyo . 

Qussayi wuxuu hogaamin jiray Daaru-nnadwa sidii madaxwayne sidoo kale wuxuu xiri jiray calanka dagaalka oo calan lama taagi jirin la’aantiis sidoo kale waxaa gaar u ahaa furaha Kacbada oo uusan albaabkeeda furi karin nin aan isaga ahayn isaga ayaana ka shaqayn jiray Kacbada iyo arrimaha Sanabada sidoo kale waxaa gaar u ahaa waraabinta xujayda oo ah in dadka xujayda ah loo dhigi jiray qabaallo waawayn oo biyo zamzam lagu qasay timir iyo zabiib looga buuxin jiray arintaan oo ay u arkeen sharaf wayn waxaa iska lahaa Qussayi sidoo kale waxaa gaar u ahaa marti galinta xujayda oo ayaduna sharaf wayn ka dhigan.

Waxaa soo dhan Qussayi ayaa gacanta ku hayay taladiisa iyo xeerarka uu dajiyayna intuu noolaa iyo markuu dhintayba waxaa loo ilaalin jiray sidii diin oo kale.

Hadaba Makko iyo qabiilka Qureysheed inkastoo aysan ahayn dawlad wayn ama ciidan iyo dhaqaale wayn leh, hadana waxay ahayd saldhig diineed oo carabtoo dhan ay ku fiiriyaan il ka haybaysanaysa,waxkasta oo Makko lagu soo gooyo carabtu waxay u arkeen wax aan la khilaafi karin sidoo kale Makko waxay ahayd meesha carabtu ay xajka u yimaadaan sidaan soo marnay, sidaa darteed waxay noqotay magaalo ganacsi oo macna wayn ugu fadhida carabta inteeda kale waxay kala xukumi jireen khilaafaadka carabta dhex yimaada arrimahaas oo Makko u muujinaya sidii maamul dawladeed oo kale mana jirin shisheeye kor ka maamula sida maamulada carabta kale taasoo reer Makko ka dhigtay dad xor oo madaxbannaan oo qadarin wayn ku leh carabta dhexdeeda, sidaas ayaana Qureyshtu gacanta ugu hayeen ilaa Nabiga (csw) laga soo diray sida inoo imaan doonta –insha Allah-. 

Maamulka Carab Inteeda Kale

Carabta inteeda kale oo ah dad xoolo dhaqato iyo beeraleey isugu jira wixii u dhaw maamulada aan soo sheegnay waxay raacsanaayeen maamulka u dhaw inkastoo ay ahayd raacsanaan iska magac kalliya ah wixii aan aan u dhawayna waxay ahaayeen dad xor ah oo madax bannaan hadaba waxaa jiray madax ay qabiiladu magacaabato oo kaabba-qabiilla ah qabiiladuna waxay ka dhignayd sidii dawlad yar ah oo ay hogaaminayso isu hiillinta ku dhisan ilma adeernimada iyo tolnimada sidoo kale nafaca laga helo wixii hanti ah oo cid kale laga furto.

Kaabba-qabiilku wuxuu qabiilkiisa ku dhex lahaa dhamaan wixii awooda oo uu leeyahay boqorka taajka leh qabiiladuna waxay ahayd mid raacsan talada odageeda col iyo nabad iyo dhib iyo dheef intaba aanna sina uga bixi karin talada odayga waxayna ahayeen kalligii taliyaal xadka dhaafay ilaa qaarkood marka uu xanaaqo kumannaan seefood la xanaaqayaan oo aan waydiinayn muxuu odaygu la carooday hasa-ahaatee raadinta sharafta iyo magaca iyo tartarnka ka dhexeeya isaga iyo ilma adeeradii ayaa waxay ku kallifaysay inuu waxyaalo wanaag ah sameeyo sida deekhsi-nimada dulqaadka geesinimada ixsaan falka iyo waxyaalo lamida ilaa ay kasbadaan magac wayni gaar ahaan ay helaan amaanta gabyaaga oo ahaa raadyaha qabiilada.

Waxaa kale oo kaabba-qabiilku lahaa xuquuq kale oo u gaara waxaana kamid ahaa in markii dagaal la qaado haddii xoolo la furto lasiin jiray afarmeelood oo meel sidoo kale wixii dhexda inta lasii socdo lahelo oo hanti ah sidoo kale wixii uu gaar u tilmaanto sida shay qaali ah oo uu helo sidoo kale wixii qaybsami kari waaya isaga ayaa gaar u lahaa sidaas ayuuna gabyaagu ka yiri.

  • Xukunkaagu inuu nagu fulaa xiiso wayn mudane(4)
  • Mudanoow waxaan maal dhacnoo meesinka u jiidno
  • Afarmeel markii loo dhigo lagugu maamuus dheh
  • Waxaad maagto oo kula qurxoon waa mid kuu qoran dheh
  • Wixii marinka lagasii helana maalik adigaaw ah
  • Waxaan madax-katiris qaybsamayn waa mid kugu gaara ah.

Xaaladda Siyaasadeed

Haddaan soo sheegnay maamullada carbeed waxaa inoo haray inaan sheegno xaaladooda siyaasadeed sida ay ahayd.

Waxayna ahayd run ahaantii mid aad u liidata gobollada xiga dawladaha Furus iyo Rom waxay ahayd xaaladooda siyaasadeed mid aad u liidata oo gacanta ugu jirta gumayste ka xoog badan waxaa dhici jirtay markii shisheeyuhu boqordhan u caroodo in loo soo diro laba nin oo soo hogaamiya hadduusan soo hogaansaminna ummaddaas oo dhan inta lagu soo duulo la rogo dadku dulligaas ayey ku jireen aan wax kusoo kordhayaa jirin, waxaa dusha kaga dhacayay noocyo xaqdarro, dil, cadaadin iyo bahdilid ah ayagoo aamusan waxna aana samayn karin xukunku waa kaligii talis xuquuqduna waa midaan laguu qirsanayn cid loo dacwoodo iyo meel loo cararana ma jirin. 

Xaalada Diineed.

Markii hore carabta badan keedu waxay rumeeyeen dacwadii Nabiga Alle ee Ismaaciil markuu ugu yeeray diintii Nabi Ibraahim (cs) waxayna haysteen tawxiidkii Nabi Ibraahiim la yimid sidaa darteed waxay caabudi jireen Alle oo kaliya oo ay diintiisa aaminsanaayeen ilaa quruumuhu dheeraadeen oo wixii la illaaway oo ay diintii kasoo hartay rumaysnaanta Alle iyo xoogaa muuqaaladii diinta ah.

Markaa ayaa waxaa yimid nin magaciisu la dhaho Camar Ibn luxayi oo ahaa kaabba-qabiilka Khuzaaca markii horana ahaa nin lagu bartay wanaag iyo deekhsinimo iyo cibaado ilaa dadku jeclaadeen hadalkiisa la dhagaystay ayagoo moodaya culumada aqoota leh, marka ninkaasi wuxuu safar ku tagay dhulka falastiin halkaas oo uu ku soo arkay reer shaam oo sanabo caabudaya arrintaas ayaa la qurux badnaatay wuxuuna mooday wax xaq ah sababtoo ah shaam waa dhulkii nabiyadu imaan jireen markaa wuxuu la yimid sanabka Hubal oo dhigay Kacbada gudaheeda uguna yeeray reer Makko shirkiga iyo Alle inay cibaadada cid kale la wadaajiyaan taas oo ay ka yeeleen kadibna wax yar lagama joogin in carabtii kale reer Makko ku raaceen illayn waa dadkii xaramka oo diinta yaqaanaye.

Sanabada mar hore lasameeyayna waxaa kamid ahaa Manaat oo yaallay xeebta badda kadibna waxaa la sameeyay Al-laat oo la dhigay daa’if kadibna Cuzaa oo la dhigay toga Nakhla, sadexdaan sanab ayaa ugu waawaynaa sanabadooda kadibna shirkigii waa faafay ilaa uu gaaray guri walba iyo tuulo walba ilaa qabiilo walba ay samaysteen sanab u gaara, waxaa kaloo la sheegay Camar Ibn luxay inuu lahaa shaydaan wax u sheegsheega markaa uu tusiyay meesha ay ku aasan yihiin samabadii qoomkii nabi Nuux (cs) markaa uu soo faagtay oo keenay Waddan, Suwaacan, Yaghuus, Yacuuq iyo Nasran markii xajka lagaaray ayuu qabiilo walba mid u dhiibay ilaa meelkasta laga buuxiyey sanabo la caabudayo, markii Nabigu (Scw) Makko furtay wuxuu Kacbada gudaheeda ka nadiifiyay 360 sanab oo la galiyay.

Sidaas ayaana shirkiga iyo cibaadada sanabadu waxay ku noqotay muuqaalka ugu wayn ee noloshooda ka muuqda waxayna lahaayeen caadaad iyo qaabab loo caabudo sanabka oo intooda badan uu dajiyay Camar Ibn Luxayyi waxayna markii hore u arkayeen waxa Camar Ibn Luxayi uu keenay bidco wanaagsan oo aan baddalayn diintii nabi Ibraahiim.

 Waxaana kamid ahaa inay sanabada hareerohooda ganoodsandaan iyo inay magan-galaan oo baryaan oo u qayshadaan waqtiyada dhibku qabsado oo ku dul dawaafaan ayagoo aaminsan inay u shafeeco qaadayso Alle agtiisa oo wax ka tarayso waxa ay doonayaan.

Inay ugu dhawaadaan gawrac iyo xoolo magacooda lagu gawracayo sidoo kale in sanabka lagu khaas yeelo wax kamida cunadooda cabbitaankooda beerahooda xoolahooda nool hadba sidii ay ula muuqato waxayna lahaayeen sababo badan oo waxyaalahaan qiil looga dhigto marka samaynayo.

Inay nidarka ka galaan oo magacooda ku dhaartaan oo magacooda wax ku qaybsadaan iyo inay sanabka isu duleeyaan kana cabsadaan ayagoo aaminsan inuu leeyahay awood ilaah oo ayaga ka adag.

Sidoo kale waxay rumaysan jireen xidiga-sheegyada iyo curaafiinta iyo faalalowyada iyo kaahinada, kaahinkuna waa nin sheeganaya inuu qaybka qarsoon ogyahay iyo waxa imaandoona curaafkuna waa nin sheeganaya inuu ogyahay siraha sida waxa dhuma meesha ay yaallaan faalalowguna waa nin dhulka xarxariiqa xidiga sheeguna waa nin sheeganaya marka roobku da’ayo iyo waxyaala lamida.

 Kaahinada qaarkood waxay sheegan jireen inay leeyihiin Jinni lashaqeeya oo akhbaarta u keena,sidoo kale waxay baasaysan jireen maalmaha qaarkood xawaayaanada qaarkood cudurada guryaha qaarkood dumarka qaarkood oo ay leeyihiin waa wax saancaddo ku jirto markay safar aadayaan ama dan leeyihiina waxay duulinayaan shimbirka ama ugaarta ayay didinayaan hadday dhinaca bidix aaddo waxay oranayaan waa shar oo dantii waa ka laabanayaan.

Sidoo kale waxaa jiray waxyaalo ka haray diintii Nabi Ibraahiim kulligeedna kama aysan tagin sida gudashada xajka iyo ilaalinta bilaha xurmada leh oo runtii ahaa raxmad ay ku kala nastaan dagaallada dhacana la joojiyo.

Diintaani hadaba waa diinta shirkiga ee jaahiliga waxaa kaloo jira diimaha ahlu-kitaabka qaarkood oo carabta soo galay waxaana kamida. 

Diinta Yuhuudda.

Markii Roomaanku qabsaday Falastiin qaar kamida yuhuudii dhulkaa ku noolaa ayaa usoo qaxay dhulalka carabta ilaa ay soo dageen madiino iyo khaybar waxaana kamid ahaa lafaha Qurayda bani nadiir banuu qaynuqaac iyo kuwa kale ayadoo dad carabta ladagaan ahi ay diintooda qaateen.

Sidoo kale waxay gashay Yaman ayadoo duu-nawaas oo Yaman ka talinayay uu khaybar yimid uuna ka kaxaystay labo xaakhaam oo Yuhuuda oo geeyay Yaman wiilkiisuna uu isku dayay inuu dadka ku khasbo Yuhuudnimada sidaan soo marnay.

Hasa-ahaatee diintaani waxay ahayd diin baddalantay oo khuraafaad kalliyihi kasoo haray oo markaa xaakhaamadu sheegtaan inay awliyo yihiin iyo inay dadka qalbigiisa iyo waxaan bishimihiisa soo marin sheegtaan inay ogyihiin khuraafo iyo sixir.

Diinta Nasaarada

Waxay dhulalka carbeed kusoo gashay qabsashadii Amxaarada iyo Roomaanku qabsadeen Yaman sidoo kale qabiilooyinka carbeed ee la dariska ah dhulalka Roomaanku dagaan ayadoo dadka faafiya kiristaanka ay jaziiradoo dhan dhex mareen waqtigaan waqti ku dhawna waxaa kasoo baxay najraan nin karaamaad badan laga arkay oo la oran jiray Faymiyuun oo markaa reer najraan ay diintiisa nasaarada qaateen.

Hasa-ahaatee carabta diintaan haystaa waxay ka ahayd sheegasho ee maysan u haysan si wanaagsan.

Sidoo kale waxaa jiray diimo kale sida: mujuusiyada iyo saabi’iyada laakiinse carabta waa ku yaraayeen. 

Xaalada Diineed.

Diinahaan aan soo sheegnay waa kuwii carabtu haysatay markii Islaamku yimid hasayeeshee ma jirin cid ku dhaqanta diimahaan sidaa darteed macaasida iyo dhaqan xumadu waxay ahayd wax meel walba ku faafsan.

Dadka loo yaqaan culumada diinta ee Yuhuudu waxay isu badaleen saaxiro iyo kuwa sheeganaya inay qaybka ogyihiin iyo xoolo raadin xattaa hadday diintu dhunto.

Nasaaraduna waxay noqotay diin wathani ah oo aan la fahmiba karin waxay keeneen isku khaldid Alle iyo khalqigiisa ka dhaxaysa oo aan la fahmi karin mana lahayn dareen dhaba oo ay ku lahayd carabta diintaan sheegata.

aabilaahi tawfiiq

lasoco webside kan cabdifataax

TAARIIKHDII IMAAM SHAAFICI

Magaciisa iyo Nasabkiisa:

Waxa weeye Maxamed (Abuu Cabdullaahi) bin Idriis binil-Cabbaas bin Cusmaan bin Shaafic bini-Saa'ib bin Cubayd bin Cabdi-Yaziid bin Haashim binil-Muddalib bin Cabdi-Manaaf. Al-Muddalib waxa weeye mid kamid ah afartii wiil ee Cabdi-Manaaf oo kala ahaa: Al-Muddalib, Haashim, Cabdi-Shamsi (Awoowihii Umawiyiinta) iyo Noofal (Awoowihii Jubayr bin Madcam).

Aabbihii iyo Awoowayaashii:

Waxba ka garan meyno Imaam Shaafici aabbihii, aan ka ahayn in uu kasoo jeeday tuulada Tabaalah oo ka tirsan dhulka loo yaqaan Ardi Hutaamah oo ku dhaca waddada loo maro dalka Yaman. Madiina ayuu ku noolaa, kolkiise uu il ka garan waayey (maadaama uu ahaa nin hanti yar) ayuu u guuray Casqalaan ilaa uu ku geeriyooday.
Awoowihii Al-Cabbaas bin Cusmaan waxa uu kamid ahaa ragga Xadiiska weriyey iyagana laga weriyey, halka Abuullankii (Awoowe labaadkii) Shaafic binu-Saa'ib (Magaca Shaafici halka uu ka keenay weeyee), uu ka ahaa Saxaabi nolol ku gaaray Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) inkastuu da'yaraa oo uu markaas uun soo hana-qaadayey.
Saa'ib bin Cubayd (Shaafic aabbihii) waxa uu markii hore ahaa gaal, waxana uu maalintii Badar calanka u siday reer banii Haashim. Maxbuus ahaan buu ugu dhacay gacanta Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam), dabeetana intuu isfurtay (Madax-furasho naftiisa ka bixiyey) buu islaamay. Kolkii la weeydiiyey: (Oo maxaad u islaami weyday intaadan xoolaha madax-furashadaa iska bixin), waxa uu ku jawaabay: (Ma dooneyn inaan Mu'miniinta ka xasdo xoolo ay iga doonayeen). Waxaa la sheegaa in Saa'ib uu suurad ahaan u ekaa Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam).
Cubayd bin Cabdi Yaziid, hooyadii waxay ahayd Al-Shafaa' bintil-Arqam bin Fadlah, aabbihii Yasiid bin Hishaam bin Cabdil-Mudalibna waa ka sheekadiisa kutubbada qaar lagu sheegay isaga iyo Xaaskiisii Um-Rakaanah iyo furriinkoodii iyo isku soo celintoodii uu Nabigu (Sallallaahu calayhi wasallam) isku soo celiyey.
Sidaa daraadeed, Shaafici afar awoowayaalkii kamid ah waxa lagu tiriyaa inay Saxaabadii Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallam) kamid ahaayeen waxanay kala ahaayeen; Cabdi Yaziid, Cubayd, Al-Saa'ib iyo Shaafic bini-Saa'ib. Haashim binil-Muddalib waxa adeer u ahaa Haashim bin Cabdi Manaaf oo ahaa Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) awoowe labaadkiisii. Al-Muddalib bin Cabdi Manaaf waxa uu adeer u ahaa Cabdil-Muddalib (Rasuulka awoowihii), isagaana korintiisa la wareegay kolkuu aabbihii dhintay ilaa uu isna ka dhinto. Muddalib iyo Haashim (labada wiil ee Cabdi Manaaf) waxay ahaayeen walaalo isjecel oo saaxiibbo ah, saaxiibtinnimadaasi oo u gudubtay carruurtoodii, xiriirkooda iyo saaxiibtinnimadooduna marnaba kalama aanay go'in laga soo billaabo xilligii Jaahiliyada ilaa iyo xilligii Islaamka.

Shaafici Hooyadii:

Dadka taariikhda raad raaca inta badan waxay isku raaceen in Imaam Shaafici hooyadii ay kasoo jeedday reer Yaman, gaar ahaanna ka tirsanayd qabiilka banii Asad oo uu Imaamka laftiisu ku faani jiray. Waxa la sheegaa in kolkuu Masar tegay ay dadka qaar ku casuumeen inuu marti u noqdo, ha yeeshee uu diiday kuna yiri: ( Waxan doonayaa inaan ku dego abtiyaashay reer Asad), uuna ku degay.
Waxa iyana jira dad ku dooda in Shaafici hooyadii ay ka farcantay Cali bin Abii Dhaalib (Radiyallaahu canhu), kolkay dhinaca hooyadii ugu abtirinayaanna yiraahda: Maxamed bin Faadimah binti Cubaydillaah bin Al-Xasan bin Al-Xusayn bin Cali bin Abii-Daalib.
Hooyadii Alle ha-u-naxariistee waxay ahayd marwo isku darsatay caqli iyo cibaado badni, barbaarintiisa wanaagsan iyo toosintiisana gacan weyn ka geysatay, lana oran karo ayadaaba sabab u ahayd.

Dhalashadiisii:

Shaafici waxa uu dhashay maalin Jimco ah oo ku beegnayd maalintii ugu dambeysay bishii Rajab sanadkii boqol iyo tobanaad ee Hijriga, waana isla sanadkii uu geeriyooday Imaam abuu Xaniifa oo ahaa sheekhii fuqahada reer Ciraaq.
Culimadu way isku khilaafeen magaaladii uu ku dhashay Shaafici, waxase loo badan yahay inuu ku dhashay gobolka Gaza, dabeetana loo qaaday Casqalaan, halkaasi oo kolkuu laba jirsaday looga sii gudbiyey Makka oo uu ku barbaaray.


Marxaladdii Koowaad ee waxbarashadiisa:

Shaafici waxa uu ku koray kuna garaadsaday dhulkii awoowayaashii Maka, halkaasi oo waxyigu ku soo degay, Islaamkuna ku billowday, culimada muslimiintana ciso gaar ah ku lahayd, loona soo cilmi iyo cibaado doonan jiray.
Maka waxa ugu qiime badan oo ku yaal waxa weeye Masjidul-Xaraamka, oo tiir kasta iyo xagal kasta oo kamid ah laga heli jiray nin sheekh ah oo wacdiyaya ama mas'alo ka iftoonaya amaba laba mas'ala isku haysta oo isu jawaabaya inta kalena ay dhagaysanayaan. Bartamaha waxa qotonta Kacbadii sharafta lahayd oo dadku aanay ka daalin dawaafiddeeda har iyo habeen ilaa inta qiyaamuhu ka dhacayo. Waxyaabahaasi oo dhan buuna Shaafici indhaha ku kala qaaday oo ku dhex garaadsaday. Halkaasi buuna bay'adaasi dhinaciisa ka dabaashay, si uu booskiisa dabiiciga ah uga xirto culimada iyo dadkaasi sharafta leh. Hooyadii waxay doontay inay u geeyso macallin bara qoraalka iyo akhriska, sidii caadada ahaan jirtay, ha yeeshee ma aanay haysan wax ay macallinkaasi siiso mood iyo nool midna, waxase uu macallinkii raalli ka noqday in kolkuu dersiga dhameeyo uu dugsiga iska soo galo, waa intaasuu ardada wax ka faa'iideysto eh.
Kolkuu haddaba macallinkii arkay in Shaafici aad u fahma badan yahay oo aayadda uu ardayga kale u meerinayo uu asagu kahor qabanayo ayuu ku soo daray ardadii iyadoo weliba shuruud la'aan ah. Sidaasi buu Shaafici Qur'aanka dusha uga qaybay isagoo toddoba jir ah, taasi oo ahayd marxaladdii koowaad ee waxbarashadiisa.

Marxaladdii Labaad ee Waxbarashadiisa:

Markaa kedib Masjidka ayuu galay si uu cilmiga uga uruursado afafka culimada kala duwan. Waxa uu muujiyey dadaal iyo dardar iyo dihni furnaan (fahmad badni), inkastooy noloshu ciriiri ku ahayd oo aanu mararka qaar heli jirin wax uu warqadda uu wax ku dhiganayo ku iibsado, waxanay dantu ku kallifi jirtay inuu lafaha la daadiyey uruursado, dadka safarrada ahna awrta u dabro si uu Daraahim uga helo. Duruufaha haystay kolkuu arkay buu nin ay qaraabo ahaayeen kula taliyey inuu shaqaysto oo wax barashada dib u dhigto.
Kolkuu toban jirsaday, Shaafici waxa uu dusha ka qaybay kitaabka lagu magacaabo Al-Mowdi' ee Imaam Maalik qoray, intaanu isagiiba arag. Isla marxaladdaasi carruurnimo ayuuna go'aansaday inuu Gabayada, Adabka, Balaaqada iyo Murtida Carabta iyo luqada Fusxada ah si fiican u barto, maadaama xilligaasi qofkaan intaas aqoon loo haystay in uu yahay qof aan goobaha ka doodi karin, dadkana wax dhimman. Baadiyaha ayuu u aaday arrintaas, toddobo iyo toan sanadood ayuuna reero aanu garanayn la guurayey oo la degayey ilaa uu noqday ninka ugu murtida iyo maansada badan, kedibna waxa uu ku soo laabtay magaaladii Makka, halkiina kasii watay Fiqhigii iyo barashadii diinta.
Sheekhii xaramka Makka Muslim bin Khaalid Al-Zinji ayaa ahaa culimadii Shaafici wax bartay kii ugu horreeyey. Sheekhu kolkuu arkay sida uu Shaafici muddo gaaban gudeheed wax ugu bartay iyo fahma badnaantiisa ayuu u oggolaaday inuu mas'aladaha diinta ka iftoon karo. Taas bayna ahayd marxaladdii labaad ee waxbarashada Shaafici.
Intiiba Shaafici taqaannay dhammaantood waxay ka sheekeeyeen oonka uu u qabay cilmiga. Kolkii uu idlaystay wixii cilmi Makka yaallay, loona oggolaaday inuu iftoodo, welibana uu billaabay inuu duruus ka bixiyo Xaramka, waxa la gaaray waqtigii uu socdaal kale u geli lahaa xaggaa iyo Madiina oo uu sheekh ka ahaa Abii Cabdillaahi Maalik ibnu Anas.


Socdaalkiisii Madiina:

Madiina waxay ahayd magaalada ugu dhow dhaqanka Islaamka xag kastaba. Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallam) kolkuu Xunayn ka soo laabtay, waxa uu Madiina kaga tegay in ka badan laba iyo toban kun oo saxaabi. Laba kun ayuun baana ka baxday oo dunida gashay, halka tobankii kun ay degeen ilaa ay kaga dhinteen. Haddaba reer Madiina. Culimada Madiina waxay u arkayeen in haddii Xadiisku Xijaaz ka baxo uu noqon karo mid been ah amaba wax lagu daray, waqtigaasina lama qiran jirin aqoonta ninkaan Madiina wax ka baran, oo weliba ayada Imaam ka noqon, saa daraadeed nin kasta oo doonaya inuu cilmiga heer ka gaaro waxay ahayd inuu Madiina u baqoolo waxna kasoo barto.
Kolkuu damcay inuu Madiina aado ayuu u tegey Waaligii Makka kana qaatay warqad qoraal ah oo ku socotay Waaligii Madiina si uu ugala hadlo Imaam Maalik. Imaam Shaafici oo laftiisu ka sheekeynaya wixii ka qabsaday socdaalkiisii Madiina, waxa uu yiri: (Kolkaan Madiina tegey ayaan warqaddii u geeyey Waaligii. Kolkaas buu intuu akhriyey igu yiri: Wiil yahaw inaan Madiina ilaa Makka lug ku jaro anoo weliba caga-cad ayaa la ii qaatay intaan kula aadi lahaa Albaabka Imaam Maalik, darxumana waxa aan dareemaa oo qura kolkaan Albaabkiisa istaago. Markaas baan ku iri Waaligii: (Eebbe umuurtaada ha toosiyee maad Imaamka cid u dirtid kuugu yeedha). Markaas buu Waaligii yiri: (Iskaba daa taase haddaan aniga iyo inta ila socotaa dantaan ugu tagno ka heleyno baaban guul joognaa).
(Galabtii baan aniga iyo Waaligii aadnay gurigii Imaamka, albaabkii baynu garaacnay, markaas bay adeegto madoobi kusoo baxday. Waaligii baa markaa ku yiri: (Usheeg ibnu Maalik inaan iridka joogo), saa gudeheey u laabatay oo muddo aan yarayn inaga maqnayd. Mar labaad bay nagu soo baxday iyadoo leh: (Mowleheygu wuu ku salaamayaa, wuxuuna ku leeyahay hadday arrintu tahay mas'alad diini ah warqad iigu soo qor, jawaabtana wuu kuu soo diri, haddii ay sheeko tahayna waad garanaysaa maalinta majliska lagu la'isugu yimaado ee iska tag). Markaas buu Waaligii Jaariyaddii ku yiri: (U sheeg waxan u wadaa warqad muhiim ah oo kaga timid Waaliga Makka eh). Kolkaas bay intay gudaha gashay, xoogaa kedib nagu soo baxday ayadoo kursi sidda dabeetana meel agtayada ah dhigtay, mise waaba Maalik oo aqalkii kasoo baxaya. Waa sheekh dheer oo garkiisa iyo haybaddiisa wax loo dhigo aan la arag. Waaligii baa markaa warqaddii u dhiibay, kolkuu akhriyayna intuu tuuray yiri: (Subxaanallaah!, ma cilmigii Rasuulka "sallallaahu calayhi wasallam" ayaa gaaray heer waraaqo lagu qaato). Kolkaas baan arkay inu Waaligii ka gaabsaday inuu wax yiraahdo, saan intaan xoogaa hore isu soo qaaday ku iri: (Eebbe ha ku hagaajiyee, waxaan ahay nin arday ah, ط£آ¢أ¢â€ڑآ¬ط¢آ¦), xaalkeyga iyo qisadaydana uga sheekeeyey. Kolkuu hadalkeygii dhegeystay buu saacad in ku dhow eegitaan iigu dhaqaaqay. Kolkaasuu igu yiri: Magacaa? Saan iri: Maxamed. Suu yiri: Maxamedoow Eebbe ka baq, macsina ka dheerow, waxaad noqon doontaa nin waxgal ah, karaamana lehe).
Shaafici waxa uu wax ka baranayey Imaam Maalik ilaa uu Imaamku ka geeriyooday sanadii 139 Hijriyada, kolkaasi oo uu Shaafici 29 jir ahaa. Shaafici kama uusan baran Imaam Maalik kitaabka Al-Mowdi' oo keliya, balse waxa uu ka bartay muddadaa labada sanadood ahayd wax allaale iyo wuxuu Imaamku ka yaqaannay Xadiis, Fiqhi, Fatwo iwm, maadaama uu aad u fahmo badnaa, welibana la sheego inuu kitaabka Al-Mowdi' dusha kaga qaybay sagaal maalmood oo qura. Haddaba ka warran laba sanadood intee in le'eg ayuu ku baran karay?.
Kolkuu Imaam Maalik geeriyooday, Shaafici waxa uu diin kororsiga kasii watay culimadii markaa Madiina joogtay, sidaana intuu soo koobay cilmigii reer Madiina, ayuu Makka kula soo laabtay.

Socdaalkiisii Yaman:

Asagoo haddaba Makka jooga bay qolo reer Quraysh ahi kala hadleen Waaliga Yaman (Xammaad Al-Barbari) oo markaa Makka yimid inuu Shaafici Yaman u kexeeyo. Waxa markaa Yaman Qaaddi ka ahaa Muscab Al-Zubayriy).
Shaafici markuu Yaman tegey hore loogama dhiibin Mansib weyn, balse waxa uu shaqaale ka noqday Maxkamaddii markaa jirtay, ha yeeshee waxa uu muddo gaaban kasbaday kalsoonidii dadka, isaga oo ku caan baxay caddaalad, aqoon iyo shaqo jacayl. Caan kama noqon oo qura Shaafici Yaman, balse warkiisu waxa uu gaaray ilaa Makka, ayadoo dadka reer Yaman ee Makka soo aada bisha Rajab ay asaga iyo ammaantiisa afka uun ku haayeen. Intaa kedib waxa Qaaddi looga dhigay Najraan. Najraan waxa degganaa qolada la yiraahdo banuu Xaarith oo caan ku ahaa inay Waaligii loo diro laaluushaan, ha yeeshee taa kama aanay helin Shaafici, caddaalad buuse wax ugu qaybiyey, dabeetana waxaba loo dhiibay Maxkamaddii Yaman oo dhan.
Reer Najraan iyo laaluush la cararkooda buuba khaatir ka joogaye, Yaman haddii loo dhiibay oo ayadu markaa ahayd halka Najraanta lafteeda laga xukumo, waxa ku sii kordhay culayskii cadaadiskii iyo dadkii dibindaabyada la doonayey. Kolkay si kale wax uga qaadi waayeen waxay gaartay heer ay mu'aamaro u maleegaan oo Amiirul-Mu'miniinka (Haaruun Al-Rashiid) ku dacweeyaan.. Ciraaq baa Haruun Al-Rashiid loogu geeyay asagoo gacmaha ka xiran, tuhmadiisuna tahay inuusan citiraafsanayn dowladdii markaa jirtay, mu'aamaradii loo maleegayse wuxuu kaga badbaaday amar Ilaah iyo aftahannimadiisa iyo aqoontiisa.
Intuu Shaafici Ciraaq joogay oo aan la xaddidin, waxa uu Madhabkii Imaam Abii-Xaniifa ka akhristay sheekhii reer Ciraaq Maxamed bin Al-Xasan, waxana uu si fiican u fahmay farqiyada u dhexeeya Madhabadihii uu Makka, Madiina iyo Ciraaq kusoo kala bartay.

Kusoo laabashadii Makka:

Makka ayuu Shaafici kusoo laabtay, waxana uu billaabay inuu fiiro ugu noqdo Fiqhiga iyo usuushiisa iyo furuucdiisa. Waxa uu batay xifdiyeyna cilmigii culimadii tagaty iyo kuwa jooga intaba. Waa uu isbarbar dhigay kana qaatay Axaadiista, iftooyinka iyo ijtihaadka kuwooda kitaabka eebbe iyo sunnada Nabiga (Sallallaahu calayhi wasallama) ugu dhow. Imaam gaar ah si gaar ah uma uusan garab siin, ha yeeshee Imaam kasta waxa uu ka qaatay wixii uu aad ugu saxsanaa waxana uu iska tuuray meeluhuu ku liitay, isaga oo ka baqayey qaadashata wax kasta oo uu is lahaa armeey ka weecdaan waddadii Eebbe iyo Rasuulkiisu jeexeen.

Duruustiisii Xaramka Makka:

Shaafici waxa uu hormuud u noqday culimadii xilligaa jirtay, waxana uu hogaanka u qabtay cilmiga Ijtihaadka. Waxa uu nuuriyey usuushii waxana uu dejiyey qaaciddooyinkii, waxana uu billaabay inuu duruus ka bixiyo Xaramka Makka. Waxa dhegeysi ugu yimid culimadii ayagu is moodi jiray inay cilmiga diinta meel sare ka gaareen, waxana ay noqdeen ardadiisii. Waxa ardadaas kamid ahaa Imaam Axmad ibnu Xambal, oo isagu Makka usoo aaday si uu culimadeeda ula kulmo, culimadaas oo uu kamid ahaa Sufyaan bin Cuyeynah. Kolkiise uu tegey Masjidul-Xaraamka waxa ishiisu qabatay Shaafici oo uu Ciraaq ku garanayey. Kolkii uu Axmad bin Xambal dhegeystay Shaafici waxa uu arkay sida uu u fahamsan yahay kitaanka Eebbe iyo sunnada Nabiga suuban. Waxa uu ka bartay cilmiga usuusha iyo qawaacidda oo uusan weligiisba hore u maqal.
Isxaaq bin Raahwiyah waxa laga weriyey inuu yiri: (Axmad ayaan Makka wada tagnay markaasuu igu yiri kaalay aan ku tuso nin asagoo kale aanay weligaa ishaadu arage, markaasuu Shaafici ii geeyey).

Kitaabkiisii Ar-Risaalah:

Shaafici caannimadiisa iyo cilmi aqoontiisa iyo weliba qaababka cusub ee loo baaro qawaacidda iyo usuusha uu dejjiyey way dhaaftay Makka, waxanay gaartay Ciraaq. Culimadii Ciraaq waxay ogaadeen qiimaha waxa uu dadka barayaa ay leeyihiin. Waa taa haddaba ta ku xambaartay Imaamkii Ciraaq Imaam Cadirraxmaan bin Mahdi inuu Shaafici oo Makka jooga ka dalbado inuu dejiyo kitaab uu ku qorayo tafsiirka Qur'aanka kuna koobayo aaraa'dii culimadii Qur'aanka fasirtay kuwa loogu aqbali ogyahay iyo weliba Aayadaha iyo Axaadiista isku ah Naasikha iyo Mansuukah, kolkaas buu u dejiyey kitaab uu u bixiyey Ar-Risaalah. Cilimada qaar baa ku dooda inuu kitaabka ku dejiyey asagoo Baqdaad jooga.

Socdaalkiisii Ciraaq:

Waa markii labaad ee uu Ciraaq tegayo waana sanadkii 145 Hijriya, ha yeeshee markaan ma xirxirna, balse waxa uu socdaalkiisu ku lug lahaa cilmiga. Markaan waxa socdaalkiisa kasii hormaray warkiisa iyo aqoontiisa oo ay tebiyeen culimadii Baqdaad ee Makka booqatay. Iaydoo ay taasi jirto ayaanu haddana soxdaalkiisaasi dhib iyo raffaad ka marnayn. Waxa Ciraaq joogay laba nooc oo culimo ah; qaar micnaha Xadiiska daahirka uun ka qaata iyo qaar siday u shiidayaan micno aanuba lahayn u yeelaya. Waxa haddaba sugayey labadaa qolo, waxa kelya oo uu isaga celin karayeyna waxay ahayd inuu ku hubaysan yahay cilmi xujooyin cadcad wata.

Duruustiisii Majidka Baqdaad:

Waxa uu durbaba Shaafici kolkuu Baqdaad galay afka saaray Masjidkii Baqdaad ee la oran jiray Al-Jaamac Al-Qarbiyyi, halkaas oo culuunta diinta laga baran jiray, kana billaabay duruustiisii. Culimadii Baqdaad baa isugu timid goobtii uu duruusta ka bixinayey, ayaga oo qaar u yimid inay tijaabiyaan cilmigiisa, qaar kalena inayba ceebeeyaan madhabtiisa cusub, ha yeeshee kolkeey dhegeysteen usuushii, qawaciddii, bayaankii iyo xujooyinkii uu goobta la yimid, bay intay dhammaantood la dheceen madhabtiisa cusub, iska qubeen waxay hore u haysteen isagana raaceen. Laba sano oo qura ayuu Shaafici joogay Ciraaq kolkuu madhabtiisa ku oogay, tiirarkana u muday cilmigiisa, kuna abuuray arday si wanaagsan uu wax u baray oo dunida gaarsiisa cilmigiisa, ayuu ku laabtay Makka.

Socdaalkiisii Saddexaad ee Ciraaq:

Wax badan kama uusan maqnayn Ciraaq ee mar kale ayuu afka soo saaray sanadkii 148 Hijriya, ha yeeshee markaan bilo ayuunbuu joogay, dabeetana u baxay Masar. Sida muuqata booqashada Baqdaad waxay ahayd uun si uu usoo indha indheeyo beertii uu halkaa ku beeray siday u baxayso iyo sida madhabtii uu halkaa kaga tegey loo haysto loona baranayo.

Socdaalkiisii Masar:

Kolkuu Baqdaad ka noqday, wax badan muu joogin Makka, waxana uu u baqoolay xaggaa iyo Masar. Sababta uu Imaamku Masar u aaday waxay ahyad kedib kolkuu Cabbaas bin Cabdullaahi binil-Cabbaas bin Muusa bin Cabdullaahi bin Cabbaas (Nabiga adeerkiis) oo ahaa waaliga Masar uu ka dalbaday inuu u raaco Masar, isna uu ka yeelay.
Maalintii Khamiista ee bisha Rabiicul-Awal ay koowda ahayd sanadkii 150 Hijriya, ayuu Imaam Shaafici Makka ka baxay Masarna afka saaray isagoo ay la socdaan wiilkiisii Maxamed (Abu Cusmaan) iyo xaaskiisii Xamiidah oo ku abtirsatay Cusmaan bin Caffaan (RC).
Kolkuu Masar tegay Shaafici wuxu ku degay reer Asad (Azd) oo abtiyaalkiis ahaa, gaar ahaan waxa si fiican usoo dhoweeyey una marti qaaday, ilaa uu ka geeriyoodana joogay gurigiisa, saaxiibkiis Cabdullaahi bin Cabdil-Xakam, kolkuu Shaafici geeriyoodayna waxa lagu duugay qubuurtii reer Cabdil-Xakam.
Socdaalkiisii Masar kama aanu dhib iyo dheef yarayn kiisii labaad ee Ciraaq. Ciraaq waxa uu ku allifay kitaabkiisii Ar-Risaalah oo ka hadlayey Usuulu-Diinka, wixii furuuc ah iyo wixii daliil ahna waxa uu u allifay kitaabkiisii Al-Xujjah. Ha yeeshee markuu Masar yimid dib-u-habayn buu ku sameeyey kitaabkii Ar-Risaalah, waqtigaan la joogana kitaabka Ar-Risaalah ee dadku ay haystaan waa kii uu Masar ku allifay. Sidoo kale waxa uu dib u shaandheeyey kitaabkiisii Al-Xujjah, waxana uu ka soo saaray kitaab cusub oo uu u bixiyey Al-Umm, waana qaybo kamid ah kitaabkii Al-Xujjah iyo isku dar kutubbo cusub oo uu Masar ku allifay.
Haddaba haddaad maqashid madhabkii "hore" ee Imaam Shaafici, ogoow waxa loola jeedaa kutubbadii uu allifay intuu Ciraaq joogay, gaar ahaan Al-Xujjah, haddiise lagu yiraahdo madhabkiisa cusub, waxa loola jeedaa kitaabka Al-umm.
Kutubbo kale oo fara badan ayuu Masar ku allifay sida kitaabka Usuulul-Fiqhiga, kitaabka Al-Qassaamah, kitaabka Al-Jizyah, kitaabka Qitaal Ahlul-Baqyi, iwm.
Kolkuu Masar yimid Imaam Shaafici waxa halkaa dadka badankiisu ku dhaqmi jireen madhabkii Imaam Maalik, xoogaa yarina madhabkii Imaam abii-Xaniifah, ha yeeshee isla markii ay dadku ogaadeen madhabka cusub ee Imaam Shaafici ayeey qaateen. Saciid Al-ayli nin la yiraahdo oo reer Masar ah waxa laga weriyey inuu yiri: (Shaafici oo kale ma aanan arag, Masar ayuu noogu yimid, waxana nala yiri waxa yimid nin reer Quraysh ah, markaasaan u tagnay asagoo tukanaya, ma aynaan arag ruux ka salaad wanaagsan, kana weji qurxoon. Markuu hadlay ma aynaan arag ruux ka hadal fiican, goobtii baana ku jeclaanay oo ku raacnay).

Duruustiisii Masar:

Shaafici intuu Masjidka salaadda subax ku tukado, ayuu majliskiisa fariisan jiray dabeetana ardadu kusoo xoomi jireen. Waxa usoo hormari jiray ardada barata Qur'aanka iyo micnihiisa, kolkay qorraxdu soo baxdana intay ka istaagaan baa waxa beddeli jiray ardada Xadiiska, dabeetana kuwa luqada Carabiga iyo naxwaha ilaa duhur laga gaarayo, dabeetana lagu kala dareeri jiray.
Ibnu Cabdil-Xakam waxa uu yiri: (Shaafici oo kale maynaan arag, waxa u imaan jiray culimada Xadiiska ku xeesha dheer, kolkaasay weydiin jireen, markaasuu intuu uga jawaabo weliba ku dheeraan jiray jawaabta iyo kala dhigdhigga, una micneyn jiray xitaa faahfaahinnada yaryar ee ayan u fiirsan jirin ayagu, markaasay ka tegi jireen ayagoo yaabban. Waxa markaa u imaan jiray culimadii Fiqhiga mucaarid iyo muxaafid intaba, kamana aanay istaagi jirin ilaa ay u garaabaan madaxana u ruxaan aqoontiisa, waxa markaa u imaan jiray qoladii suugaanta iyo gabayada markaasuu gabayadii Carabta hadba kay ula yimaadaan micnihiisa iyo maqaamkiisa iyo xikmadda ka dambaysa u kala dhigdhigi jiray.

Jirradii Shaafici iyo Geeridiisii:

Shaafici Alle ha u naxariistee waxa lagu ibtileeyey cudurka Baabasiirka, cudurkaa daraadiina dhiig baa si joogto ah uga socon jiray. Waxa xitaa mararka qaar dhici jirtay in intuu faras fuulo dhiiggu gondihiisa ka hooro. Cid u jirratay sida Shaafici u jirraday way yareyd, waxana daaliyay oo awooddii ka qaaday dhiiggaasi har iyo habeen ka socday. Waxase la yaab leh amaba aynu dhihi karnaa mucjiso in afar sanadood oo uu cudurkaasi haayey aanu kala joojin maalinna dadaalkiisii ku saabsanaa diin fidinta, cilmi baarista, kutubbo allifidda, iwm., sidii ayadoo daawadiisuba ay dadaalkaasi ku jirto.
Shaafici si ba'an buu u jirraday, cudurkuna si xun u dilooday. Malakul-Mowt baa albaabkiisa istaagay asaga oo ajashiisa uun sugaya. Kolkii tiisii soo dhawaatay buu mid kamid ah ardadiisii usoo galay oo weydiiyey: (See tahay hadda?), markaasuu ugu jawaabay : (Waxaan ahay nin adduunyada ka safraya, asxaabtiisii sagootinaya, koobkii geerida ka cabaya, xagga Eebbena u arooraya. Wallaahi baan ku dhaartaye waxan kala garan la'ahay inay nafteydu Janna u socoto oon u hambalyeeyo iyo inay Naar geleyso oon u tacsiyeeyo), markaasuu ooyay.
Asagoo xaalkiisu saa yahay baa waxa usoo galay nin la oran jiray Yuunis bin Cabdil-Aclaa, markaasuu Shaafici ku yiri: (Abaa Muusoow, igu akhri Suuradda Aali-Cimraan wixii ka dambeeya Aayadda 120, iguna boobsii oo ha igu daahin. Waan ku akhriyey buu yiri, kolkaan istaag is irina wuxuu igu yiri : (Ha iga tegin waan tabaaleysnahaye).
Imaam Shaafici waxa uu geeriyooday salaadda Cishaha dabadeed habeen Jimco soo geleyso oo ku beegnayd malintii ugu dambeysay bisha Rajab, waxana la duugay maalintii Jimcaha ee ay bisha Shacbaan koowda ahayd, waxana uu markaa jiray afar iyo konton sano (waa sida loo badan yahaye). Waxa lagu duugay qabuuraha banii Zahrah oo loo yaqaan Turbadii ibnu Cabdil-Xakam, qabrigiisana reer Masar way wada garanayaan, wayna weyneeyaan oo siyaartaan.
Eebbe ha u naxariisto Imaam Shaafici, annagana cilmiguu nooga tegey ha inagu anfaco ... Aaamiin.

www.redsox.com

 
maan sha alla
 
alla wayn ______________

Chicago Bulls Home Page